
Siciid Sheekh Samatar: Taariikhyahankii ugu afka dheeraa Cilmibaadhista Soomaalida
Siciis Sheekh Samatar, waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya.
Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘Goshen College’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘Northwestern University’ oo ku taalla Evanston, Illinois. Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Jaamacadda Rutgers University.
Wixii intaas ka danbeeyay waxa uu ku hawlanaa Taariikhd Afrika guud ahaan, gaar ahaanna ta Soomaalida. Waxa uu xubin sare ka ahaa ururka ‘Somali Studies International Association’ illaa iyo 1979kii. Waxa uu muddo tifaftire ka ahaa Joornaalka ‘Horn of Africa journal.’ Waxa uu lataliye sare u ahaa ‘Bildhaan: An International Journal of Somali Studies.’ Sannadkii 1995kii, isaga iyo Ismaaciil Cali Ismaaciil, waxa ay ka qaybqaateen qoraalkii Dastuurka Dalka Elatariya.
Warbaahinta kaladuwan kuwa maxalliga ah, iyo kuwa lookalka ah ayuu ka hadli jiray, oo barnaamijyo ka sii dayn jiray. Qoraallada uu qoro Siciid, waxaa xigan jiray Jaraa’iddada caalamiga ah sida Newsweek, U.S. News & World Report, The New York Times iyoThe Washington Post.
Qoraallo aqooneed oo aad u farabadan ayuu Siciid qoray. Waxa ka mid ah maqaallada uu qoray:
1- Oral poetry and political dissent in Somali society : the Hurgumo series”, Ufahamu: A Journal of African Studies, 1989.
2- How to Run an SNM Gauntlet”, Horn of Africa, 13, Nos. 1-2, April–June 1990, 78-87.
3- “The Search for Political Accountability in African Governance: The Somali Case”., African Governance in the 1990s (Atlanta: The Carter Center, 1990), pp. 165–168.
4- “How to Save Somalia”, Washington Post, December 1, 1992, A19.
5- “The Politics of Poetry”, Africa Report (September/October 1993), pp. 16–17.
6- “Remembering B.W. Andrzejewski: Poland’s Somali Genius”, 1998.
7- “‘Sarbeeb’ : the art of oblique communication in Somali culture”, Wardheernews Online
8- “Unhappy masses and the challenge of political Islam in the Horn of Africa”, Horn of Africa, 2002.
9- “An Open Letter to Uncle Sam: America, Pray Leave Somalia to Its Own Devices”, Journal of Contemporary African Studies, July 2010, Vol. 28, Issue 3, pg 313-323.
Buugaag badan ayuu qoray. Waxa ka mid ah:
1- Somalia: nation in search of a State (co-author: Laitin, David D.). Westview Press, 1987.
2- Somalia: a nation in turmoil. Minority Rights Group, 1991
Buugta uu qoray waxa ka mid ah mid aan maalin dhawayd qoraal ka sameeyay oo la yidhaa “ Oral Poetry and Somali Nationalis: In Case of Sayid Mohamed Abdulle Hassan.” Buuggan waxa uu kaga warramayaa sida ay Soomaalidu gabayada iyo aftahamada ugu adeegsan jirtay Wadaniyadda. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa gabayaagii, halgamaagii, iyo waddanigii waynaa ee Sayid Muxammed Cabdalle Xasan. Buugga si kooban ayaynu u soo koobi.
Buuggu waxa uu ka midyahay taxanayaasha Afrika ‘ African Studies’ waana buuggii 32aad. Wuxuu ka koobanyahay 248 bog. Buugga waxa uu daabacay 1982kii. Waxaanna daabacday Cambridge University Press.
Gorfeynta Buugga halkan ka daawo: ( https://www.youtube.com/watch?v=XHrUlQqtfZY&t=5s ).
Xigashooyin
1- https://web.archive.org/…/7_Somalia%20%26%20Ethiopia….\
2- ‘https://en.wikipedia.org/wiki/Said_Sheikh_Samatar….”

Sofia Samatar waa Maraykan-Soomaali ku dhalatay Gobolka Indiana ee maraykanka 1971, waxaa dhalay professor caanka ah ee professor said sheekh samatar, qabiil ahaan Waa leelkase kana sii ah fiqi ismaaciil.
Sofia waa macallimad Jaamacadeed, oo jaamacada ugu weyn dalka maraykanka wax ka dhigta, waa qoraa iyo gabyaa, caan ka ah gudaha maraykanka iyo Caalamkaba, bugaagta ay qortay waxaa ugu caansan
1)Monster Portraits.
2)The White Mosque.
3)The Practice, the Horizon, and the Chain.
4) A Stranger in Olondria.
Bugaagtan waxa ay ku heshay billado caalami oo malaayiin dollar qiimo ahaan jooga.
Safia waxaa iska dhalay Aabbe Soomaali iyo hooyo Swiss-German ah.
Aabbaheed Saciid Shiikh Samatar waxa uu ahaa aqoonyahan, taariikhyahan iyo gobyaa. Buugaagta uu qoray waxaa kamid ah: Oral Poetry and somali notionalism iyo somalia: Nation in Saerch of a State.
Sofia waxa ay ku hadashaa afafka ingiriiska Carabiga, Sawaaxiliga iyo Zande oo looga hadlayo Koonfurta iyo Suudaan, DRC iyo dalal kale.
